Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada 15-ka May, isagoo si cad uga digay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal waara uu yahay doorashada qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay in ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo cadaalad iyo deganaansho siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa yiri:
“Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey, kuwii soo xushay kama faa’iidin. Bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.”




From the comments