Mareykanka oo Turkiga ka iibinaya hub qeymihiisu ku kacayo 225 milyan oo dollar
Sheeko:Wararka Caalamka

Mareykanka ayaa shaaciyay inuu dowladda Turkiga ka iibinayo gantaallada AIM-120C-8 oo uu dalkaasi soo saaro, islamarkaana ku kacaya in ka badan 225 milyan oo dollar Mareykanka ah.
Hay’adda iskaashiga amniga ee Maraykanka ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay oggolaatay suurta-galnimada in Ankara laga iibiyo gantaallada riddada dhexe ee AIM-120C-8.
AIM-120C-8 waa nooc ka mid ah gantaallada casriga ah ee AMRAAM oo ay soo saarto shirkadda Raytheon, waxaana isticmaala ciidamada cirka ee Maraykanka iyo dalal badan oo xulafo la ah Washington.