Faahfaahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay degmada Kaxda
Sheeko:War

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo shalay ka dhacay degmada Kaxda, kaas oo lala beegsaday koox dhalinyaro ah oo adeegsata aaladda TikTok, kuwaas oo ku sugnaa dalcadda Kaxda xilli ay halkaas ku duubayeen muuqaal cusub.
Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dhalinyaradu duubista muuqaal cusub guda jireen.
ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa. dadka dhaawacmay qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo culus sida Gabadh ay labada Lugood meesha uga go’een.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ballaaran oo lagu raadinayo cidda ka dambeysay weerarka, inkasta oo aan la heyn cid loo qabtay.
Sidoo kale horay waxaa goobtaan uga dhacay Qarax lala beegsaday dhalinyarada TikTok isticmaasha. waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.