Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan tababar iyo wacyigelin isugu jira, si loogu dabaal-dego Maalinta Aqbalidda Caalamiga ah (Universal Acceptance Day) ee 2025, iyadoo halku-dhigga sanadkan uu yahay: “Xoojinta Ka-Qaybgal Dijitaal ah.”
Kulanka ayaa la isu keenay masuuliyiin dowladeed, hay’ado horumarineed, jaamacado, shirkado isgaarsiineed, kuwa internet-ka bixiya, shirkado tiknoolajiyadeed iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, si ay uga wada hadlaan sida Aqbalidda Caalamiga ah ay u suuragelin karto in qof walba uu si siman ugu xirnaado internet-ka.
Mudane Axmed Cali Salaad, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee NCA, ayaa sheegay in Aqbalidda Caalamiga ahi ay laf-dhabar u tahay isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya, isagoo yiri:
“Aqbalidda Caalamiga ah waxay xaqiijisaa in dhammaan nidaamyada dijitaalka ah ay aqoonsadaan magacyada domain-ka iyo email-ka ee saxda ah, taasoo fure u ah in qof kastaa si siman ugu faa’iideysto adeegyada internet-ka.”





From the comments