Dil Maxkamadeed oo ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Baydhabo – Maxkamadda Gobolka Baay ayaa maanta si rasmi ah dil toogasho ah ugu fulisay marxuum Geesey, kaddib markii uu shalay si ula kac ah u dilay Marxuum Abshir.
Dilkan ayaa yimid kaddib muran xooggan oo labada dhalinyaro ku dhex maray goob shaqo oo ay si wadajir ah uga shaqeynayeen.
Labada marxuum ee Geesey iyo Abshir ayaa ahaa dhalinyaro si weyn looga yaqaan magaalada Baydhabo, halkaas oo ay muddo dheer ku sugnaayeen, islamarkaana ay ka wada shaqeynayeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labadooduba ay ahaayeen kuwo bulshadu ka dheregsanayd, taas oo dhacdadan murugada badan ka dhigtay mid si weyn loo dareemay.
Maxkamadda gobolka Baay ayaa xukunka dilka ku ridday Geesey kaddib markii ay caddaymo iyo markhaatiyo ku filan ku heshay in uu si toos ah ugu lug lahaa dilka Abshir. Xukunka ayaa la fuliyay wax ka yar 24 saac kadib markii falka dilka ah uu dhacay, taasoo muujinaysa sida ay maxkamaddu uga go’an tahay hirgelinta cadaaladda degdegga ah.