U bood dhigaalka

War Deg-Deg Ah: Qarax Ka Dhacay Xero Damaanyo ee Muqdisho

Sheeko:War

Qarax ayaa ka dhacay Xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay diiwaangelinta dhalinyarada loo qaadanayay ciidanka qalabka sida.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay dhalinyaro badan saf ugu jireen inay is diiwaangeliyaan, taasoo ka dhigtay xaaladda mid aad u murugsan.

Waxaa la soo wariyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin tirada dadka waxyeelladu soo gaartay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyadoo laga dareemayo cabsi iyo jahwareer, waxaana haatan socda gurmad iyo baaritaanno la xiriira sababta iyo cidda ka dambeysay qaraxa.

Faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe.