Muqdisho – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa afar hoobiye lagu garaacay xayndaabka Xalane, oo ah aagga ay ku yaalliin xarumo muhiim ah oo ay degan yihiin safaarado iyo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.
Goobjoogayaal ku sugan meel u dhow Xalane ayaa xaqiijiyay inay maqleen jugo culus oo la rumeysan yahay inay yihiin hoobiyeyaal, kuwaasoo ku dhacay gudaha xayndaabka ama hareerihiisa.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya ama kuwa caalamiga ah ee halkaas ku sugan.




From the comments