U bood dhigaalka

Trump oo warbaahinta horteeda ku canaantay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika 

Trump ayaa madaxweynaha Koonfur Afrika ku dhex kulan warbaahineed ka dhacay xaafiis Oval ee aqalka cad, asagoo tusay muuqaallo iyo sawirro ku saabsan dad caddaana oo uu sheegay in lagu xasuuqay dalkiisa Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa beeniyay in dowladdiisu ay ku lugleedahay xasuuq iyo beegsi ka dhan ah caddaanka laga tirada badanyahay ee dalkaas, asagoo codsaday inay si degan u wada hadlaan, balse Trump ayaa hadallo canaan ah iyo erayo kulul ku qaabilay.

Ramaphosa oo hore u sheegay inuu u yimid Washington sidii uu dib u soo celiyo xiriirka labada dal ayaa si adag diiday eedda la xariirta in cunsuriyadda lagula kacay dadka caddaanka, balse Trump ayaa ku celceliyay Afrikaners oo ah dadka uu sheegay in dhibaato weyn oo Xukuumaddu qeyb ka tahay loo geystay.

Trump wuxuu yiri, “Waxaan haynaa kumanaan sheeko oo ka hadlaysa arrinta xasuuqa,” ka dibna wuxuu war-fidiyeenka u soo bandhigay tobanaan dukumeenti iyo sawirro, asagoo sidoo kale canaan kala dul dhacay wariyaasha oo uu qaarkood ku amray inay goobta Isaga tagaan, ka dib markii ay weydiiyeen su’aalo ka baxsan arrinta Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo Trump kala kulmay quursi dublumaasiyadeed ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inuu daawado muuqaallo laga daaray shaashado waaweyn oo goobta ku rakibnaa, kuwaas oo muujinaya xadgudubyo ka dhan ah dadka caddaanka ah ee dalkiisa.

Trump ayaa isla xaafiiskaas Oval Office bilo ka hor ku bahdilay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, asagoo si caro iyo quursi leh u canaantay, unana sheegay in Mareykanka la’aantiis aysan Xukuumaddiisa waxba u suurta-geli karin.