Muqdisho – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha, ka dib markii cod loo qaaday. Hindisahan oo muddo soo jiitamayay ayaa ugu dambeyn helay ogolaanshaha rasmiga ah ee xildhibaanada, taasoo loo arko tallaabo muhiim u ah daryeelka iyo xuquuqda barakacayaasha gudaha dalka.
Intii lagu guda jiray fadhiga, 136 xildhibaan ayaa codkooda ku taageeray hindisaha, halka 4 xildhibaan ay ka soo horjeesteen, mana jirin cid ka aamustay.
Natiijadaas ayaa ka dhigtay mid ansax ah Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo hadda u gudbi doona Golaha Aqalka Sare si loo sii mariyo heerarka xiga ee sharciyeynta.




From the comments