Khilaaf ka dhex qarxay booliska maamulada SSCKHAATUMO iyo Puntland

Khilaaf siyaasadeed iyo amni ayaa ka qarxay deegaanka Shaxda ee gobolka Bari kadib markii kooxo hubeysan oo sheegtay inay ka tirsan yihiin maamulka SSCKhaatumo ay dhaqdhaqaaq milatari ka sameeyeen gudaha deegaanka, taas oo keentay falcelin degdeg ah oo ka timid maamulka Puntland.
Taliska Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo uu hoggaaminayo Gashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ay si degdeg ah u gaareen deegaanka Shaxda, kaddib markii la helay xog muujinaysa in kooxo hubeysan ay si dhuumaleysi ah ugu sugnaayeen halkaas. Ciidanka ayaa sheegay in ay kala saareen maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa, islamarkaana ay dib u soo celiyeen amnigii deegaanka.
Dhinaca kale, Taliska Booliska gobolka Xaysimo ee fadhigoodu yahay Taleex ayaa iyaguna ciidamo u diray deegaanka, iyagoo sheegaya in Shaxda ay ka mid tahay dhul ahaan maamulka SSCKhaatumo. Arrintan ayaa dhalisay muran xoogan oo salka ku haya kala sheegasho dhuleed iyo maamulka deegaanka.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa doonaya in degaankaasi uu qoro ciidan cusub oo boolis ah.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa ka hortagay isku dhacyo gacan-ka-hadal ah, iyagoo muujiyay doorkooda nabad-raadinta. Waxa ay dalbadeen in la ilaaliyo nabadda deegaanka, islamarkaana la joojiyo ku xad-gudubka xuduudaha deegaanada lagu muransan yahay.