Xariirka u dhexeeya maamulka Trump iyo Ra’ïisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa aad u sii xumaanaya, ayadoo labada dhinac ay si weyn u sii kala fogaanayaan xaaladda bariga dhexe iyo dagaalka Qasa awgood.
Shabakadda Politico oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah ayaa sheegtay in Trump iyo Netanyahu xiriirkooda uu xumaaday kadib markii ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo xasaradaha ka taagan bariga dhexe.
Maamulka Trump ayaa dhowaan qaatay tillaabooyin wax ka badeli kara xaaladda gobolka, asagoo wada-hadal toos ah la yeeshay Iran, Xuutiyiinta heshiis la galay, sidoo kalena la kulmay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dowladda Suuriya.




From the comments