Kumanaan kamid ah saraakiisha ciidanka Israa’iil oo dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qasa
Sheeko:Wararka Caalamka

In ka badan 1200 oo ka tirsan Saraakiisha Israa’iil iyo askarta kaydka ah ayaa diyaarinaya warqad ay kaga dalbanayaan dawladda iyo taliyaha guud ee ciidamada inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka Marinka Qasa.
Saraakiishan ayaa sidoo kale codsanaya dib loo soo celiyo dhammaan dadka la haystayaasha ah iyada oo aan dib loo dhigin, islamarkaana sii socoshada dagaalku ay ka hor imanayso rabitaanka aqlabiyadda dadweynaha Israa’iil.
Maamulka Netanyahu ayaa dhawr mar horay looga codsaday inuu joojiyo dagaalka ka socda qasa, balse Ra’iisul Wasaaraha iyo kooxdiisa ayaa u muuqda inay arrintaas dhegaha ka furaysanayaan.