U bood dhigaalka

Imaaraadka oo si weyn u cambaareeyay xadgudubyada ay Israa’iil ka waddo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaas, waxayna ku wargelisay cambaareynteeda ku aaddan sida ugu xooggan ee xadgudubka lagu hayo magaalada Qudus.

Dowladda Imaaraadka ayaa ugu baaqday maamulka Israa’iil in ay si buuxda u qaadato mas’uuliyad xadgudubyada Daabta galbeed oo ay ciqaabto kuwa ka masuulka ah dhaqamadan kicinta ah, oo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Xukuumadda Netanyahu.

Ciidanka Israa’iil iyo kooxaha xagjiriinta ah ee lagu deegaameeyay Daanta galbeed oo ay ku jirto magaalada Barakaysan ee Quddus ayaa dhibaatooyin xooggan ku haya dadka rayidka ah ee falastiiniyiinta, ayadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay si weyn u kordheen xadgudubyada halkaas ka socdaahi.