U bood dhigaalka

Muxuu yahay dhaqdhaqaaqa wajiga duuban ee ka soo ifbaxay dalka Sucuudigu?

Sanadihii u dambeeyay, Boqortooyada Sucuudiga ayaa wajahaysay isbeddel baaxad leh oo ku saleysan horumarin dhaqan, diin, iyo mid bulsho oo uu horseeday qorshaha ballaaran ee Vision 2030.

Isbeddel ka socda dalkan hoyga u ah xarumaha Islaamka iyo goobaha barakaysan ayaa waxaa kamid kuwo diin ahaan si weyn loo dhaleeceeyay oo ay kamid yihiin fisixidda cabista Qamriga, furista goobaha madadaalada, xorriyadda hab labiska dumarka, iyo xariir ay boqortooyadu la yeelato Israa’iil oo dhowaan la filayo shaacintiisa, inkastoo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uu sheegay inay taas ka horrayso helidda dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin.

Dhanka kale isbeddelladan ayaa horseeday kacdoon uu kamid yahay dhaqdhaqaaq la magac baxay ” kooxda wajiga duuban” oo kasoo ifbaxay gudaha dalkaas, kaas oo ah dhaqdhaqaaq bulsho iyo diineed oo ay horkacayaan dad dhalinyaro ah oo aad u baraarugsan, kuwaas oo su’aalo badan ka keenay fahamka dhaqanka, diinta, iyo doorka dowladnimo ee dalkaas.

Waa maxay Dhaqdhaqaaqa Indho-Shareerku?

Dhaqdhaqaaqa indho-shareerka (oo magaciisa laga keenay ereyga indho-furasho ama wacyi-gelin) waa dhaqdhaqaaq ka kooban dad dhalinyaro ah, aqoonyahanno, haween, iyo kuwo adeegsada baraha bulshada, kuwaas oo bilaabay inay:

• Su’aalo ka keenaan fikradaha dhaqameed ee hore.

• Dood ka furaan arrimaha diinta, gaar ahaan aragtiyihii adag ee ay horay u wadeen culimadu.

• Ka dhiidhiyaan xadgudubyada xuquuqda haweenka iyo xorriyadda shaqsiga.

• Dalbadaan isbeddel la xiriira caddaaladda, furfurnaanta, iyo fekerka casriga ah.

Dhiirrigelinta Dhaqdhaqaaqa

Dhaqdhaqaaqan waxaa qayb ka ah isbeddelada uu wado dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, kaas oo si xoog leh u bilaabay in uu meesha ka saaro aragtiyihii diimeed iyo kuwii dhaqan ee muddada dheer ka jiray dalka, ayadoo la joojiyay awooddii booliiska ee arrimaha diinta, waxaa la furay goobihii madadaalada, haweenkuna waxay heleen xoriyado cusub, sida wadista gaariga iyo ka qeybgalka suuqyada shaqada.

Isbeddeladan waxay abuureen dad ku dhiirrada feker cusub, balse sidoo kale waxay kiciyeen su’aalo iyo cabsi ah in xorriyadahaasi ay keeni karaan ku xad-gudub diimeed iyo dhaqan doorsoon degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa indho-shareerka ee ka soo ifbaxay Sucuudiga waa mid ku saleysan kororka wacyiga, fekerka furan, iyo rabitaanka isbeddel, Inkastoo uu wajahayo caqabado culus, haddana wuxuu astaan u yahay isbeddelka dhabta ah ee ka dhex socda gudaha bulshada Sucuudigu.