Spain oo si kulul u cambaareysay deegaamaynta sharci darrada ah ee Israa’iil ka waddo Daanta Galbeed

Dowladda Spain ayaa si adag u cambaareysay go’aanka maamulka Israa’iil ku ansixisay dhismaha 22 deegaan oo cusub oo laga hirgelinayo Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo tallaabadan ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah, isla markaana carqaladeynaysa dadaallada nabadeed ee gobolka.
Bayaan rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Spain ayaa si qeexan u muujiyay mowqifka cad ee Madrid ka taagan tahay arrinta Falastiin, iyagoo sheegay dhismaha deegaannada cusub ee sharci darrada ah ay si toos ah u wiiqayaan suurtagalnimada xal waara oo ku saleysan labo dowladood, ayna khatar weyn ku tahay xasilloonida iyo nabadda gobolka.”
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in siyaasadda deegaamaynta ee Israa’iil ay si buuxda uga hor imanayso qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, kaasoo mamnuucaya in dowlad qabsatay dhul ay u rarato dadkeeda si ay ugu degaan dhulkaasi.
Spain ayaa ku baaqday in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso qorshayaasheeda ku aaddan balaarinta deegaamada sharci darrada ah, ayna dib ugu laabato wada-xaajood dhab ah oo la taaban karo.