U bood dhigaalka

Ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyooday goob dhagxaanta laga qodo oo ku taalla dalka Indonesia 

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa la la’yahay ka dib markii ay ku soo duntay meel dhagax laga qodo oo ku taal Indonesia, Samatabbixiyeyaasha ayaana waxay horeba uga soo saareen dad dhaawac ah oo burburka ku hoos jira.

Sidoo kale Samatabbixiyeyaasha ayaa raadinaya dhibanayaal waxyeello ka soo gaartay dhacdadan ka dib markii dhagxaan dabiici ah ay ku soo duntay degmada Cirebon ee gobolka Java ee galbeedka Indonesia.

Ugu yaraan 10 qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhimatay dhacdadan, iyadoo hay’adda musiibooyinka ee dalkaasi ay sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu baadigoobayo dad la la’yahay oo ku hoos aasay burburka.

Dalka Indonesia ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca musiibooyin soo noq noqda sida foolkaano, dhul go’ iyo fatahaado saameyn ku yeesha qaar kamida gobollada dalkaas.