U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay qabashada Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hortegey fadhi degdeg ah oo uu isu gu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2 Janaayo, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasoo la filayo in ay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.

Gogoshan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu xaqiijiyo wadatashi dhab ah oo ku dhisan danta guud, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Amniga, Ciribtirka Argagixisada, Dhammeystirka Dastuurka, Doorashooyinka, Midnimada Qaranka, iyo Dhab-u-heshiinta.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada inay ka qeybqaataan gogoshan, isagoo xusay in gogoshu tahay fursad weyn oo lagu xallin karo arrimaha horyaalla dowladda iyo dalka.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeyn doona qabanqaabada shirkan, oo ay hoggaaminayaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xafiiska Madaxweynaha, iyo Xukuumadda Federaalka.