Mareykanka oo codka diidmada qayaxan ah ku diiday qaraar la doonayay in dagaalka Qasa lagu joojiyo

Golaha ammaan qaramada Midoobay ayaa ku guuldarraystay meelmarinta qaraar lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka Qasa ka dib markii Mareykanku uu codka diidmada qayaxan u adeegsaday.
Qaraarkan oo ay isku raaceen dhammaan xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, iyo heshiis waar oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, si loo yareeyo dhibaatada bani’aadantinimo ee ka jirta Qaza.
Qaraarku sidoo kale wuxuu dalbanayay in la siidaayo dhammaan la haystayaasha iyo in la oggolaado gargaar bani’aadantinimo oo aan xannibnayn., waxaana u codeeyay 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, balse Mareykanka ayaa adeegsaday awoodda diidmada qayaxan (veto) si uu u hor istaago ansixinta qaraarkan.
Haweenay u hadashay Mareykanka ayaa sheegtay inaysan taageerayn tillaabo kasta oo aan xamaas si cad loogu cambaaraynayn, islamarkaana looga dalbanayn inay hubka dhigaan ama Qasa isaga baxaan.
Maamulka Israa’iil ayaa si weyn u soo dhoweeyay tillaabada uu qaaday Mareykanku, ayadoo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio uu asna sheegay in sababta ay qaraarkani u diideeni tahay inuu yahay mid u adeegaya wax uu ku tilmaamay argagixiso.