Sarkaal Tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo Shabaab ku biiray oo Xukun Lagu Riday

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kaddib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo la xiriira ku biirista kooxda Shabaab iyo tashkiilinta saraakiil ciidan oo uu ku qanciyay inay kooxdaas ku biiraan.
Daqare ayaa tan iyo 2009 ku hawlanaa marin habaabinta dadka, gaar ahaan caruur iyo xubno ka tirsanaa ciidamada, isagoo kaalin weyn ku lahaa weerarro ay kamid yihiin qaraxyadii Muqdisho Mall iyo weerarkii garoonka Aden Cade.
Dadka uu ku daray Shabaab waxaa kamid ahaa Ex Dhamme Shariif Jeego, Ex Dable Maxamed Biyamaaloow, iyo Cabdi Xakiin Axmed Diini (Wadne), oo isna lagu xukumay 4 sano xabsi argagixisanimo ah.
Daqare iyo kooxda uu tashkiiliyay ayaa la tuhunsanaa inay sahayeen soo gelinta magaalada ee gaadiidka qaraxyada, iyagoo ka faa’iideysanayay aqoonsiyo ciidan.
Xukunka waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, kadib baaris dheer iyo dhageysi rasmi ah oo labada dhinac la siiyay waqti buuxa.