Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.
Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud




From the comments