Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socdo Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ka dhacaya magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Abdisalam wuxuu si cad u muujiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Kenya, isagoo si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale caddeeyey sida ay Dowladda Kenya uga go’an tahay in ay taageerto madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed, si waafaqsan mabaadi’da gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan deris wanaagga iyo horumarinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.




From the comments