U bood dhigaalka

Maraykanka oo soo dhaweeyay go’aanka Soomaaliya ay kaga laabatay mamnuucistii baasaboorrada Taiwan

Sheeko:War

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaga laabatay amar ay horey ugu mamnuucday baasaboorrada ay bixiso Taiwan, taas oo la filayay inay carqaladeyso booqasho rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan ku tagi lahaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Troy Fitrell, oo ah mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa ka sheegay kulan ka dhacay Aqalka Sare ee Maraykanka in Muqdisho ay si rasmi ah uga laabatay xayiraaddii ay saartay baasaboorrada Taiwan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay mamnuucistii baasaboorka Taiwan, isla markaana ay dib u aqoonsatay dukumintiyada socdaalka ee Taiwan,” ayuu yiri Fitrell.

Waxa uu ka digay in dalalka ku fara-geliya xiriirka caalamiga ah ee Taiwan ay muujinayaan inay ka leexdeen xiriirka dunida xorta ah, taas oo si toos ah u wiiqeysa xiriirkooda la leh Maraykanka. “Taiwan waa dal masuul ka ah beesha caalamka. Sida dal u dhaqmo marka ay la macaamilayaan Taiwan waxay calaamad u tahay sida ay diyaar ugu yihiin xiriir macno leh oo ay la yeeshaan Maraykanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xayiraadda baasaboorka, oo muddo gaaban dhaqan gashay, ayaa dhalisay caro xooggan oo ka dhex dhalatay xubnaha Golaha Congress-ka ee Maraykanka.

Xildhibaanada ayaa walaac ka muujiyay in Beijing ay si toos ah ugu lug leedahay go’aankaasi, taasoo la rumeysan yahay inay si gaar ah u beegsatay Somaliland – gobol madax-bannaani isku sheegay tan iyo 1991, isla markaana xiriir toos ah la yeeshay Taiwan, iyo wadamada reer Galbeedka tan iyo 2020.

Khilaafkan diblomaasiyadeed wuxuu bilaabmay kadib markii dowladda Soomaaliya ay si lama filaan ah u mamnuucday baasaboorrada Taiwan, xilli uu socday qorshe booqasho sare ah oo ay Hargeysa ku imaan lahaayeen wafdi ka socda Taiwan. Taiwan oo si adag uga jawaabtay, ayaa iyaduna sheegtay inay xaddidi doonto baasaboorrada Soomaaliya.