Goobjoog

Mareykanka oo soo jeediyay in dadka falastiiniyiinta ah loo raadiyo dhul kale

Mareykanka ayaa sheegay in aanu oggolayn qorshaha lagu doonayo in falastiiniyiinta loogu dhiso dowlad madax-bannaan, asagoo sheegay in haddii la doonayo in arrintaas ay mira-dhal noqato ay qasab tahay in…

Mareykanka oo soo jeediyay in dadka falastiiniyiinta ah loo raadiyo dhul kale
DREXEL HILL, PENNSYLVANIA – OCTOBER 29: Former Arkansas Governor Mike Huckabee moderates a roundtable discussion with Republican presidential nominee, former U.S. President Donald Trump at the Drexelbrook Catering & Event Center on October 29, 2024 in Drexel Hill, Pennsylvania. With one week until Election Day, Trump is campaigning for re-election in the battleground state of Pennsylvania. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Mareykanka ayaa sheegay in aanu oggolayn qorshaha lagu doonayo in falastiiniyiinta loogu dhiso dowlad madax-bannaan, asagoo sheegay in haddii la doonayo in arrintaas ay mira-dhal noqato ay qasab tahay in dalalka Muslimiinta falastiiniyiinta dhul laga siiyo, ka dibna dowlad loogu sameeyo.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil Mike Huckabee ayaa sheegay in Washington aysan hadda si buuxda u taageersaneyn fikradda ah in la dhiso dowlad Falastiini ah, isagoo soo jeediyay in loo qoondeeyo dhul ku yaalla dal Muslim ah haddii ay dowlad dhisanayaan.

Mareykanka ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Israa’iil oo muddo ku dhow labo sano duqeymo cirka iyo dhulka ah ku hayso dadka rayidka ah ee Marinka Qasa, taas oo sababatay dhimashada ku dhawaad 60 kun oo qof, halka guud ahaan dhismeyaashii deegaanku ay dhulka la sinmeen.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments