U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dowladda iyo Shacabka Hindiya Kaddib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direen Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Hindiya kaddib markii uu dhacay shil diyaaradeed oo naxdin leh oo ku lug lahaa diyaarad ka tirsan shirkadda Air India, taas oo ku dhacday dhowr daqiiqo kaddib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad.

“Soomaaliya waxa ay si weyn uga tiiraanyeysan tahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay musiibadan. Waxaan dareenkeena, ducaba iyo garab istaaggeenna la wadaageynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay shilkaas, dhaawacyada ku soo gaarayna waxaan u rajeyneynaa soo kabasho degdeg ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay  garab taagan tahay Dowladda Hindiya iyo dhammaan dalalka uu saameeyay shilkan murugada leh. Waxaan rajeysay  adkaysi iyo samir in Ilaahay siiyo dhammaan dadkii ay dhibaatadu saameysay.