Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Hindiya

Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda Air India oo ku sii jeedday garoonka Gatwick ee magaalada London ayaa ku burburtay magaalada Ahmedabad daqiiqado kooban kadib markii ay duushay, iyadoo ay saarnaayeen 242 rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda.
Shaqaalaha dab-damiska ayaa si degdeg ah ugu gurmaday goobta shilka oo ku taalla meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Sardar Vallabhbhai Patel, gaar ahaan xaafadda Meghaninagar ee magaalada Ahmedabad.
Shirkadda Air India waxay bayaan ay ku daabacday barta ‘X’ ku sheegtay in Duulimaadka AI 171 oo u kala gooshi lahaa magaalooyinka Ahmedabad iyo London Gatwick uu la kulmay shil,balse Faahfaahin intaas dhaafsan ma bixin shirkaddu.
Sawirro goobta shilku ka dhacay laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur baaxad leh iyo shaqaalaha dab-damiska oo la dagaallamaya dab xooggan, balse lama oga xaaladda in ka badan 242 qof oo diyaaradda saarnaa.