U bood dhigaalka

Dalalka Carabta qaarkood oo si adag u cambaareeyay Weerarka Israa’iil ee Iran 

Qaar kamid ah dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sucuudiga iyo Qatar ayaa si adag u cambaareeyay Weerarkii ay saacado ka hor Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Iran, kaas oo ay ku dhinteen hoggaamiyaashii ugu sarreeyay ciidanka dalkaas, saynisyahanno dhanka Nuclear-ka ah iyo masuuliyiin kale.

Dalalkan ayaa sheegay in weerarkaasi uu xadgudub ku yahay xeerarka caalamiga ah iyo madax-bannaanida Iran, balse ma sheegin wax tillaabo ah oo ay qaadayaan haddii xaaladdu faraha ka sii baxdo.

Dhanka kale Mareykanka iyo Uk ayaa ka hortagey boqolaal diyaaradood oo ay Iran doonaysay inay ku weerarto Israa’iil, ayadoo sheegay in Tel-aviv ay is difaacdo.

Si kastaba ha ahaatee Israa’iil oo weerar khasaare baaxad leh sababay ku ekaysay Iran, islamarkaana si weyn u naafaysay wax soo saarkii Nuclear-ka iyo hay’adihii militariga dalkaas ayaa hadda garab istaag xooggan ka helaysa reer galbeedka, halka Iran ay ku jirto xaalad jahwareer ah.