Dowladda Iran ayaa si rasmi ah u shaacisay in Taliyihii Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee dalka, Jenaraal Mohammad Bagheri, lagu dilay weerarro ballaaran oo saakay waaberigii ay Israa’iil ka fulisay caasimadda Tehran.
Warbaahinta rasmiga ah ee dalka ayaa xaqiijisay in weerarradaasi ay si gaar ah u beegsadeen hoggaanka sare ee ciidamada, taasoo keentay dhimashada laba ka mid ah saraakiishii ugu awoodda badnayd ee militari ee Iran.
Geerida taliyahan ayaa si degdeg ah waxaa uga jawaabay Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, oo isla saaka magacaabay taliyeyaal cusub. Jenaraal Xabibollah Sayyari, oo horey uga u ahaa abaanduulaha guud ee ciidamada tan iyo 2017, ayaa loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qalabka Sida.




From the comments