Israa’iil oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday dalka Iran

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday caasimadda dalka Iiraan ee Tehran aroornimadii hore ee Jimcaha maanta ah, iyadoo qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada, waxayna Israa’iil sheegtay inay bartilmaameedsatay goobaha nukliyeerka iyo kuwa milateriga.
Weerarkan wuxuu yimid xilli xiisad xooggan ay ka taagan tahay barnaamijka nukliyeerka Iiraan oo si xowli ah u socday, islamarkaana wada-hadallo dhowaan dhex maray Iran iyo Mareykanka aanay wax weyni ka soo bixin.
Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa Khamiistii markii ugu horreysay 20 sano gudahood cambaareeyay Iiraan kadib markii ay diiday inay la shaqeyso kormeerayaasheeda.
Iiraan isla markiiba waxay ku dhawaaqday inay dhiseyso xarun saddexaad oo lagu nadiifiyo uranium-ka, isla markaana ay beddeli doonto qaar ka mid ah mashiinnada centrifuge-yada, iyadoo ka dhigaysa kuwo horumarsan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in weerarradu sii socon doonaan inta laga takhalusayo waxa uu ku tilmaamay halis, waxaana duqeyntii ugu dambeysay la sheegayaa inay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Iran.
Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in Israa’iil ay qaaday tallaabo ay keligeed ku tahay oo ka dhan ah Iiraan, isagoo xusay in Israa’iil ay la socodsiisay Mareykanka in weerarradu yihiin kuwo ay isku difaacayso.
“Annagu kuma lug lihin weerarrada lagu qaaday Iiraan, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad.
Si kastaba weerarkan oo xogtii horay loo sii helay ayaa sababay khasaare baaxad leh, waxaana la filayaa inay Iran saacadaha soo socda qaaddo weerarro xooggan oo aargoosi ah, ayadoo Israa’iil ay heeggan sare ku jirto.