Goobjoog

Mareykanka oo qiray dhibaatada ay Israa’iil kala kulantay weerarrada Iran

Xilli dhulka ay Israa’iil maamusho saacadihii la soo dhaafay ay ku socdeen duqeymo xooggan oo ay Iran kaga jawaabayso weerar ay dhowaan Xukuumadda Netanyahu ku qaaday dalkeeda oo khasaare badan…

Mareykanka oo qiray dhibaatada ay Israa’iil kala kulantay weerarrada Iran
DREXEL HILL, PENNSYLVANIA – OCTOBER 29: Former Arkansas Governor Mike Huckabee moderates a roundtable discussion with Republican presidential nominee, former U.S. President Donald Trump at the Drexelbrook Catering & Event Center on October 29, 2024 in Drexel Hill, Pennsylvania. With one week until Election Day, Trump is campaigning for re-election in the battleground state of Pennsylvania. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Xilli dhulka ay Israa’iil maamusho saacadihii la soo dhaafay ay ku socdeen duqeymo xooggan oo ay Iran kaga jawaabayso weerar ay dhowaan Xukuumadda Netanyahu ku qaaday dalkeeda oo khasaare badan dhaliyay ayaa Mareykanku wuxuu sheegay in Israa’iil ay xaaladda halis ah gashay gantaallada Tehran awgood.

Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee ayaa sheegay in xalay ay ahayd habeen aad u adag gudaha Israa’iil, asagoo intaas ku daray in ilaa 5 jeer uu ku qasbanaaday inuu u cararo goobo gabaad ah oo gantaallada looga dhuunto.

Duqeymaha Iran oo isugu jira boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ka socda goob kasta oo kamid ah Israa’iil, waxaana jira khasaare dhimasho, burbur iyo hakad ku yimid adeeg walba oo nolosha muhiim u ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments