Dowladda Iran ayaa saacado ka hor weerar adag oo jawaab ah ku qaaday gudaha maamulka Israa’iil, ayadoo adeegsatay 150 gantaal oo balaastig ah iyo in ka badan 100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah.
Hannaanka difaaca hawada Israa’iil iyo Mareykanka oo garab siinaya ayaa qabtay qaar kamid ah gantaallada Iran, balse waxaa jira kuwo ku dhacay bartilmaameedyo ku yaalla Talaabiib iyo meelo kale, waxayna Israa’iil qiratay in dhimashada ah qof iyo dhaawaca todobaatameeyo kale.
Sidoo kale sawirro iyo muuqaallo baraha bulshada la soo geliyay ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gantaallada Iran ay geysteen, halka inta badan dadka reer Israa’iil ay ku jiraan goobo gabaad ah, weerarka iranna uu weli socdo.




From the comments