Diyaarad Helicopter ah oo siday xujey Hindu ah ayaa ku burburtay waqooyiga Hindiya, iyadoo ay ku dhinteen toddoba qof oo saarnaa duulimaadkaasi.
Diyaaraddan ayaa waaberigii Axadda maanta ah ku burburtay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Uttarakhand, waxaana ku dhammaan dadkii saarnaa oo xujey ahaa sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiintu.
Helicopter-ka ayaa ku sii jeedday magaalada Guptkashi, oo ah goob caan ku ah xajka Hinduuga, una dhow buuraleyda Himalaya, iyadoo kasoo baxday magaalada Kedarnath oo iyaduna ah meel muqaddas u ah dadka haysta caqiidada Hinduuga.




From the comments