U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil 

Dowladda Iran iyo maamulka Israa’iil ayaa maalintii seddaxaad is waydaarsanaya duqeymo xooggan oo isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana sii kordhaya khasaaraha labada dhinac kala gaaraya.

Israa’iil waxay qiratay in tirada dhimashada ka dhalatay gantaallada Iran ay hadda marayso 4 ruux, halka 136 kale dhaawacyihiin, 35 qofna lagu la’yahay burburka dhismeyaal dhulka lala simay.

Sidoo kale sawirro laga soo qaaday gudaha magaalada Talaabiib iyo deegaanno kale ayaa muujinaya burbur baaxad leh, ayadoo ay si rasmi ah u xirmeen garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale adeegga bixiya, bandowna ay Xukuumaddu soo rogtay, sidoo kalena qoysaska madaxda godad qarsoodi ah loola cararay.

Dhinaca Iran khasaaraha dhimashadu wuxuu kor u dhaafay 100 qof, halka dhaawacyaduna ay 400 qof ku dhowyihiin, waxayna duqeymaha Israa’iil weli ku socdaan magaalooyinka ay kamid tahay caasimadda Tehran inkastoo hannaanka difaaca hawadu uu si xooggan u shaqaynayo oo gantaallada iyo diyaaradaha qaarkoos soo riday.

Wararka kale ee arrintan la xariira waxaa kamid ah Xuutiyiinta Yemen oo ayaguna Israa’iil duqeymo ku billaabay iyo hoggaamiye kooxdaas ka tirsan oo la diley, ciidanka badda ee Iranna waxay sheegeen in ay ka hortageen markab nooca wax burbura ah oo ay leedahay UK, kaas oo isku dayay inuu u gurmado Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka laba dhinac waa sii xoogaysanayaa, khasaaruhu wuu sii kordhayaa, madaxda gobolka iyo kuwa dunidaba waxay soo saarayaan digniino iyo baaqyo ku saabsan duqeymahan oo laga yaabo inay isku badalaan dagaal buuxa oo dalal badan ku sii fida.