U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil 

Dagaalka dalka Iran iyo maamulka Israa’iil ayaa maalintiisa afaraad gelaya, ayadoo labada dhinac ay is waydaarsanayaan gantaallo iyo duqeymo hawada ah oo xariir ah.

Dhanka Israa’iil dadku habeenkii seddaxaad ayay ku hoydeen godadka dhulka hoostiisa ah, ayadoo gantaallada Iran ay sida roobka ugu hoobanayaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi gacanta ku hayo, waxaana jira burbur baaxad leh oo gaaray xarumo dowladeed, warshado, jidadka tareenada, iyo goobo kale.

Khasaaraha dhimashada ayaa asaguna sii kordhaya ayadoo Israa’iil ay qiratay in tirada dadka ku naf waayay duqeymo ay ku dhowdahay 20 qof, halka dhaawacyaduna 100 kor u dhaafeen.

Hoggaanka Israa’iil ayaa dadka ugu baaqay inay godadka ku sii jiraan, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in gantaallada Iran xittaa goobaha dhulka hoostiisa ah ay ugu tageen dad ku jiray, islamarkaana ay waxyeello ka dhalatay.

Dhanka Iran duqeymaha Israa’iil ayaa si joogto ah ugu socda magaalooyinka Tehran, Mashhad, isfahan iyo qaar kale, waxaana jira khasaare dhimasho oo horleh, ayadoo saacado ka hor la xaqiijiyay geerida taliyihii sirdoonka dalkas iyo saraakiil kale, halka wararka qaarna ay tilmaamayaan in taliyihii booliiska asna la diley.

Wasaaradda caafimaadka Iran ayaa xaqiijisay in dhimashadu hadda marayso 224 qof oo ay ku jiraan taliyihii guud ee ciidanka, Taliyihii ilaalada kacaanka, Taliyihii ciidanka cirka iyo ku xegeenkiisii, Taliyihii sirdoonka, tobaneeyo saynisyahan, iyo dad shacab.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan oo sababay burbur iyo khasaare baaxad leh ayaa laga cabsi qabaa inuu gobolka oo dhan ku sii fido, balse waxaa jira dadaallo ay dalalka qaarkood wadaan oo lagu doonayo in xiisadda hoos loogu dhigo.