U bood dhigaalka

Maamulka Trump oo qorshaynaya inuu dalal horleh ku soo rogo xayiraad socdaal

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa qorshaynaya in la ballaariyo xayiraadda socdaalka, iyadoo laga mamnuuci karo muwaadiniinta 36 dal oo dheeraad ah inay galaan dalka Mareykanka, sida lagu sheegay dukumentiyo qoraal ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Horaantii bishan, Trump ayaa saxiixay amar mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal inay soo galaan Mareykanka, isagoo sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo amniga qaranka Mareykanka, loogana hortago argagixisada shisheeye iyo khataraha kale ee amni.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay olole adag oo ka dhanka ah socdaalka oo uu Trump bilaabay sanadkan bilowgii, kaas oo la kowsaday islamarkii uu xafiiska yimid, waxaana ololehaas waxaa ka mid ah dib u celinta boqolaal qof oo ka soo jeeda Venezuela, kuwaas oo loo malaynayo in ay ka tirsanyihiin kooxo burcad ah.

sidoo kale maamulka Trump wuxuu wadaa dadaallo lagu hor istaagayo ardayda ajaanibta ah iney iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Mareykanka, halka kuwo kale la musaafuriyey.

Dukumentiyada la helay oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo uu saxiixay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ayaa lagu sheegay in laga walaacsan yahay arrimo badan oo ku saabsan dalalka la tilmaamay, waxaana la dalbaday in dalalkani ay wax ka beddelaan arrimahaas.

Qoraalka ayaa sheegaya in Wasaaraddu ay astaysay 36 dal oo laga walaacsan yahay, kuwaasoo laga yaabo in gebi ahaan ama qeyb ahaan laga joojiyo gelitaanka Mareykanka haddii aysan buuxin shuruudaha iyo heerarka loo baahan yahay 60 maalmood gudahood.

Qoraalka ayaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay wargeyska Washington Post, waxaana mid ka mid ah arrimaha ay Wasaaraddu sheegtay uu ahaa in qaar ka mid ah dowladahan aysan lahayn xukuumad karti leh ama iskaashi lahayn Mareykanka si ay u soo saaraan dukumiinti aqoonsi oo lagu kalsoonaan karo.