Dowladda Sacuudiga oo si adag uga hadashay weerarkii lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si rasmi ah u muujisay walaac weyn oo ay ka qabto horumarka iyo xaaladda cakiran ee ka taagan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, gaar ahaan weerarrada ay Dowladda Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Boqortooyada Sacuudigu waxay mar kale xasuusisay war-murtiyeedkii ay soo saartay 13-kii Juun 2025, kaas oo ay si adag ugu cambaareysay ugana soo horjeesatay ku xad-gudubka madax-bannaanida iyo qarannimada Iran.
Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la muujiyo xakameyn, la dejiyo xiisadda, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal ka dhex qarxa gobolka.
Boqortooyada Sacuudigu waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka in ay xoojiyaan dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo dhammaanaya khilaafka, taasoo ay sheegtay in ay muhiim u tahay in la helo amni iyo xasillooni.