Saacado ka dib markii Mareykanku uu weeraray xarumaha Nukliyeerka Iran, jawaabta Tehran ayaa noqatay mid adag, waxayna duqeymo ka geysatay in ka badan 400 oo goobood oo ah dhulka ay Israa’iil maamusho.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in weerarkan saaka uu ahaa midkii ugu cuslaa ee ay Iran ku qaado magaalooyinka ee la haysto, ayadoo nidaamka difaaca hawada uu ku guuldarraystay inuu qabto gantaallada Iran.
Weerarkan ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, ayadoo la soo warinayo in ka badan 25 qof ay dhaawacmeen, sidoo kalena burbur xooggani uu ka dhashay duqeymaha.




From the comments