Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah uga degay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Garowe ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo mar kale isku dayaya in ay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Labada maamul ayaa si gaar ah diiddan qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay u wajahday doorashooyinkii dalka ka dhacay, gaar ahaan doorashadii Jubbaland ee sanadkii hore oo ay DFS si cad u diiday in ay aqoonsato.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , si loo dejiyo qorshe siyaasadeed mideysan, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.




From the comments