Goobjoog

Maxaa ka jira in Mareykanka iyo Israa’iil ay sanad ka hor qorsheeyeen weerarka xarumaha Nukliyeerka Iran?

Sida ay sheegtay shabakadda wararka ee ABC, oo soo xiganaysa ilq sirdoon oo dhanka Israa’iil ah, Maraykanka iyo Israa’iil ayaa weerarka xarumaha Nukliyeerka Iran iyo tababar ku saabsan ku soo…

Maxaa ka jira in Mareykanka iyo Israa’iil ay sanad ka hor qorsheeyeen weerarka xarumaha Nukliyeerka Iran?
Smoke rises from a fire, as the Israel-Iran air war continues, in Tehran, Iran, in this still image obtained from social media video released June 17, 2025. Social Media/via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. NEWS USE ONLY

Sida ay sheegtay shabakadda wararka ee ABC, oo soo xiganaysa ilq sirdoon oo dhanka Israa’iil ah, Maraykanka iyo Israa’iil ayaa weerarka xarumaha Nukliyeerka Iran iyo tababar ku saabsan ku soo bandhigay dhoolatus milatari oo sannad ka hor dhacay.

Sidoo kale weerarkii ay dhowaan Israa’iil ku qaaday dalka Iran oo lagu diley saraakiil milatari iyo saynisyahanno badan ayaa asna ka sheegay in muddo sanado ah la diyaarinayay, taasoo oo ka dhigan dhammaan dhacdooyinkaas keliya fulintooda hadda lagu dhaqaaqay, balse qorshohooda iyo go’aankooda horay looga baaraan-degay.

Dhinaca kale qaar kamid ah xubnaha aqalka Wakiilllada mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump wuu iska indhatiray dastuurka, isagoo si keligiis ah u hawlgelinaya ciidanka, islamarkaana aan oggolaansho ka sugayn Congress-ka.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments