Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka si rasmi ah looga saaray liiska madow ee Qaramada Midoobay ee wadamada lagu eedeeyo askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.
Wasaaradda waxay sheegtay in talaabadan ay tahay guul taariikhi ah oo ka dhalatay wadashaqeyn dhow oo ka dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF iyo UNTMIS.
Tallaabadan waxay daba socotaa dadaallo ballaaran oo lagu sugayey badbaadada carruurta Soomaaliyeed si waafaqsan dastuurka dalka iyo heshiisyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya saxiixday.




From the comments