Trump oo ku hanjabay inuu Iran mar kale weerar culus ku qaadi doono

Wax yar ka dib markii Mareykanku oo dhawr bam oo dhulka hoos u dalooliya ku garaacay xarumaha Nuclear-ka Iran ee Fordow, Nataas iyo Isfahaan, madaxweyne Trump ayaa soo saaray digniin culus oo uu Tehran ku kala dooransiinayo inay si degdeg ah u joojiso weerarada Israa’iil iyo in mar kale si adag loo duqeeyo.
“waa inay si degdeg ah u joojiyaan haddii kale mar kale ayaa la garaaci doonaa” ayuu Trump oo hadlay ka dib markii ay ciidamadiisu dhawr bam ku dhifteen Iran.
Dhanka kale Iran ayaa sheegtay in weerarkaas ka dib muwaadin kasta oo Mareykan ahi uu bartilmaameed u yahay, islamarkaana ay jawaab adag bixin doonaan.
Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay tillaabada Mareykanka inay tahay mid uga sii daraysa xaaladda gobolka, islamarkaana ay halis gelinayso nabadgelyada caalamka.