Waxyeello noocee ah ayaa gaartay xarumaha Nukliyeerka Iran?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in diyaaradaha Mareykanka ee dalkiisu ay weerar duqeyn ah ku qaadeen saddex xarumood oo muhiim ah oo ka tirsan barnaamijka nukliyeerka Iran, kuwaas oo kala ah Fordow, Natanz iyo Isfahan
Khasaaraha weerarka
Fordow oo ah Xarunta ah ugu weyn islamarkaana ku yaalla buuraleyda ah waxaa lagu garaacay bombaanooyinka loo yaqaanno “bunker-buster” oo loogu tala-galay inay burburiyaan goobaha ku yaalla dhulka hoostiisa, waxayna xarunta gaarsiiyeen burbur dhammaystiran sida maamulka Trump uu sheegay balse Iran ayaa arrintaas si weyn u beenisay, ayadoo xustay goobtaas mar hore laga raray qalabkii yaallay, waxyeello weynina aysan gaarin.
Natanz: oo ah Xarunta koritaanka uranium-ka ayaa ayadana la bartilmaameedsaday, iyadoo la adeegsaday Tomahawk missiles, waxaana waxyeello gaartay Qeybo ka mid ah teknoolajiyada centrifuge-ka horumarsan ee goobtaasi ku shaqaynaysay.
Isfahan: oo ah Xarunta cilmi-baarista nukliyeerka iyo soosaarka uranium ayadana waxaa lagu weeraray gantaallada “missiles Tomahawk”, waxaana la sheegay in waxyeello gaartay qalab xarunta yaallay iyo warshadda Uranium-ka lafteeda.
Trump ayaa sheegay in howlgalkaasi ahaa mid guulaystay oo burburiyey awooddii Nuclear-ka ee dalka Iran, hase yeeshee Tehran ayaa cambaareysay tillaabadaas, isla markaana ballamqaaday inay sii wadi doonto barnaamijkeeda Nuclear-ka.