U bood dhigaalka

Israa’iil oo aqbashay heshiiska xabbad-joojinta ah ee ay la galayaan Iran

Maamulka Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay xabbad-joojinta uu soo jeediyay Trump, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 12-kii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Bariga dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Ra’ïisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa lagu yiri ” Israa’iil waxay gaartay hadafkeedii ahaa in ay meesha ka saarto khatarta nukliyeerka iyo gantaalaha Iran, waxaana ku heshiinay soo jeedintii Trump ee xabbad joojinta Iran”.

Israa’iil ayaa qiratay in dagaalkan oo ku dhowaad laba todobaad socday ay uga dhinteen in ka badan 24 qof, halka burbur xooganina uu gaaray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi gacanta ku hayo.