Trump oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin u Dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in heshiis xabad joojin ah uu hadda dhaqan galay, isaga oo ugu baaqay labada dhinac – Israa’iil iyo Iiraan – “in aysan xadgudbin.” Trump ayaa hadalkiisa si cad u muujiyay, isagoo yiri: “Fadlan haa ku xadgubin.”
Heshiiskan xabad joojinta ayaa la sheegay inuu bilaabanayo isla waqtigan la joogo, sida uu Trump ku sheegay war qoraal ah oo uu faafiyay.
Israa’iil Weli Ma Aqbalin Xabad Joojinta
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Israa’iil ilaa iyo hadda si cad ugama aysan jawaabin heshiiskan, waxna kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay ku aqbalayso. Tani waxay abuuraysaa shaki weyn oo ku saabsan suurtogalnimada hirgelinta xabad joojinta.
Iiraan: “Wax Xabad Joojin Ah Ma Aqbalin”
Dhinaca kale, dowladda Iiraan waxay si cad u beenisay in ay ogolaatay wax heshiis xabad joojin ah. Inkastoo ay hore u sheegtay in ay joojinayso weerarrada haddii Israa’iil ay joojiso duullaankeeda, haddana wali kama aysan bixin wax ogolaansho rasmi ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Syed Abbas Araghchi, ayaa bartiisa X (Twitter) ku qoray in haddii Israa’iil ay joojiso “duullaankeeda sharci darrada ah” kahor 04:00 xilliga Tel Aviv, aysan Iiraan sii wadi doonin weerarrada. Laakiin waqtigaas waa la dhaafay, mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay dowladda Israa’iil oo caddeynaya in ay duullaanka joojisay.