U bood dhigaalka

Dibadbaxyo ka bilowday Nairobi

Sheeko:War

Dadweyne aad u badan oo reer Kenya ah ayaa maanta isu soo baxay waddooyinka magaalada Nairobi, iyaga oo xasuusanaya sanadguuradii koowaad ee dibadbaxyadii rabshadaha watay ee bishii Juun 2024, kuwaas oo ku dhammaaday weerar lagu qaaday baarlamaanka iyo dilal ay geysteen booliiska.

Inkasta oo madaxweyne William Ruto uu dib uga laabtay canshuur kordhin la doonayay in la dhaqangaliyo haddana shacabka weli ma illoobin rabshadihii iyo xadgudubyadii ay booliisku ku kaceen.

Waxaa mar kale qarxay caro shacabka ah kaddib markii bishan la dilay Albert Ojwang, oo ahaa macalin iyo blogger caan ah oo ku dhintay gacanta booliiska isaga oo xiran.

Shalay oo Talaado ahayd, lix qof oo ay ku jiraan saddex askari ayaa maxkamad la soo taagay, waxaana lagu eedeeyay dilka Ojwang. Dhammaantood waxay sheegeen inaysan denbi lahayn.

Geerida Ojwang ayaa noqotay arrin dareenkeeda leh oo dib u soo celisay xusuusta dadkii in ka badan 60-ka ahaa ee lagu dilay dibadbaxyadii sanadkii hore.

Dad badan ayaa eedaynaya hay’adaha ammaanka oo lagu tuhunsan yahay dilal iyo afduubyo dad aan la garanayn lala beegsaday.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Reuters in maanta magaalada Nairobi la xiray inta badan wadooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa u dhow xarunta dhexe ee ganacsiga, iyadoo ciidamo aad u hubeysan oo booliis ah la geeyay goobaha muhiimka ah.