Muqdisho – Goordhow ayaa waxaa si rasmi ah shir uga furmay Madaxtooyada Villa Somalia, kaas oo u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Madasha Samata-bixinta Mucaaradka.
Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii Madasha Samata-bixinta lagu dhawaaqay shir jaraa’id oo ka dhacay Hotel Jazeera. Madashu waxay horey u muujisay cabashooyin xoogan oo la xiriira isbeddelka lagu sameeyay dastuurka iyo habraaca doorashooyinka dalka, iyaga oo xilligaa codsaday in Madaxweynaha uu ka laabto arrimahaas laguna heshiiyo hanaan mideysan.
Kulankan maanta furmay ayaa yimid kaddib codsi rasmi ah oo Madaxweynaha ka yimid, kaasoo Madashu ay aqbashay inkasta oo ay horey u qaadaceen gogoshii siyaasadeed ee uu Madaxweynuhu hore ugu martiqaaday siyaasiyiinta, taasoo ka dhacday Hotel Decale.




From the comments