U bood dhigaalka

Trump oo sheegay in duqeyntii xarumaha Nuclear-ka Iran ay xabbad-joojinta sabab u noqatay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay dagaalkii adkaa ee dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Iran ayaa sheegay in ay duqeyntii Mareykanku ku weeraray xarumaha Nukliyeerka Iran ay dagaalka soo afjartay.

“Weerarkii Mareykanka wuxuu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay iran iyo Israa’iil, si la mid ah weerarradii Hiroshima iyo Nagasaki” ayuu yiri Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan sheegtay in ay si rasmi ah u burburisay xarumihii Nuclear-ka Iran, ka duqeymo ay diyaaradaha B2 ku ekeeyeen xarumaha Nukliyeerka Fardow, Natanz, iyo Isfahan, balse warbixin ay dhowaan daabacday shabakadda CNN ayaa muujinaysa inaan goobahaas wax khasaare ahi gaarin.