U bood dhigaalka

Puntland & Jubbaland oo Taageeray Doorashooyinka Dowladaha Hoose, Balse diiday wax ka bedelka Dastuurka iyo Qodobo kale

Sheeko:War

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyey qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca heerka dowladaha hoose, iyagoo u arka tilaabo muhiim u ah hannaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Balse maamulada waxay ugu baaqeen in Guddi gaar ah oo qabta doorashooyinka ay sameystaan halka hadda shaqadda uu waddo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Si kastaba ha ahaatee, labada maamul ayaa si cad uga horyimid wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah iyo habka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u waddo doorashada guud ee dalka. Waxay sheegeen in geeddi-socodkaas uusan ahayn mid la isla oggol yahay ama dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed laga qayb geliyey.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, ayay ku sheegeen in DFS ay si qaldan u isticmaaleyso deeqaha caalamiga ah, iyagoo ku eedeeyey in dowladda dhexe ay siyaasadeysay kaalmooyinkii beesha caalamka oo loogu talagalay horumarinta guud ee dalka.

Puntland iyo Jubbaland waxay sidoo kale ka digeen in Dowladda Federaalka si xoog ah ugu adeegsatay awoodda maamulka hawada Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn heshiisyadii hore. Waxay ku dhawaaqeen in dacwad rasmi ah ay ka gudbinayaan arrintaas si loo ilaaliyo xuquuqdooda iyo wadajirka nidaamka federaalka.

War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlad-goboleedyada qaarkood iyo dowladda dhexe, taasoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato midnimada hannaanka doorashooyinka dalka.