U bood dhigaalka

Muxuu ka dhiganyahay Heshiiska Rwanda iyo DRC Congo?

Dalalka Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo muddo dheer ay xurgufi ka dhexaysay ayaa heshiis nabadeed oo Mareykanka iyo Qatar ay dhexdhexaadiyaal ka yihiin ku  kala saxiixday magaalada Washington.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa heshiiskan ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo horumar weyn, Wuxuuna hadalkaas ka sheegay Aqalka Cad, isagoo ay garab fadhiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo wakiillo ka socday DR Congo iyo Rwanda.

Madaxweynaha DR Congo, Félix Tshisekedi, oo bogaadiyey heshiiskan ayaa ku fasiray guushii diblomaasiyadeed ee ugu weynayd muddo 30 sano ah, waxaana la filayaa in asaga iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame ay safar ku tagaan Washington si ay ula kulmaan Trump, inkasta oo taariikh rasmi ah aan la shaacin.

Xiisadda u dhexaysa dalkan oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa ka dhalatay dagaallada ka taagan bariga DR Congo oo u dhexeeya dowladda iyo Jabhadda M23 oo ay Rwanda taageerto iyo arrimo kale, waxayna Xukuumadda Kinshasa si joogto ah Rwanda u eedeyn jirtay ku lug lahaanshaha rabahadaha gudaha.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay horaantii sanadkan ka dib markii M23 ay qabsatay magaalooyin waaweyn sida Goma, waxayna xilligaas dowladda DR Congo taageero ka dalbatay Mareykanka, iyadoo la sheegay inay siisay oggolaansho uu Mareykanku ku qaadan karo khayraadka dabiiciga ah ee dalkaas sida coltan-ka, oo muhiim u ah warshadaha elektaroonigga.

Rwanda waxay beenisay inay taageerto M23, inkastoo caddaymo badani jiraan, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda jooga DR Congo ay u joogaan difaac ka dhan ah kooxaha hubeysan sida FDLR – oo ah jabhad Hutu ah oo lala xiriiriyo xasuuqii Rwanda 1994, waxayna
Dhinaceeda Rwanda waxay ku eedeysay dowladda Congo inay taageerto FDLR, taasoo Congo beenisay.

Qodobada Heshiiska

Waxyaabaha ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaa kamid ah ixtiraamka xuduudaha iyo mamnuucidda dagaalka, iyo in la fududeeyo soo celinta qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, wafdiga Congo waxay dalbadeen in ciidamada Rwanda si degdeg ah uga baxaan dalka, balse Rwanda oo la rumeysan yahay inay ugu yaraan 7,000 askari ka joogaan dalkas ayaa diidday codsigaas.

Maalin ka hor saxiixa heshiiska, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda Olivier Nduhungirehe ayaa si kulul u cambaareeyay warbixin la sheegay in lagu daabacay nuqulka qabyada ah ee heshiiska, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ilaaliyaan sirta wada-hadallada, waxa uuna sheegay in Ciidanka Difaaca Rwanda ay Congo ka bixi doonin.

Si kastaba ha ahaatee, xafiiska Madaxweyne Tshisekedi ayaa sheegay in heshiiska ay ku jirto bixitaanka ciidamada Rwanda, balse ay doorbideen isticmaalka erayga ka fogaansho, halkii laga dhihi lahaa ka bixid , maadaama uu yahay eray baaxad ballaaran leh.