Ciidanka Israa’iil oo dalbaday in si degdeg loo caddeeyo mustaqbalka marinka Qasa

Militariga maamulka Israa’iil ayaa dalbaday in si degdeg ah loo caddeeyo mustaqbalka marinka Qasa, ayagoo ka horyimid in Xukuumadda Tel Aviv ay dhulkaas wada qabsato oo gumaysato.
TV-ga Channel 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo-wareed militari ayaa sheegay in ciidanku ay ka soo horjeedaan qabsashada gebi ahaanba Qasa, islamarkaana ay ku talinayaan in la soo gabagabeeyo heshiiska isdhaafsiga maxaabiista , iyo in hoggaanka ciidamada oo uu ugu horreeyo Talisku ay dalbanayaan in madaxda siyaasaddu ay go’aan cad ka qaataan mustaqbalka Qasa.
Maamulka Trump ayaa si weyn u doonayo in la soo afjaro dagaalka Qasa, balse Xamaas meesha laga saaro, gacan kaloo Mareykanka iyo Tel Aviv ay raali ka yihiinina ay maamusho marinkan go’doonsan ee masiibooyinku daashadeen.