Madaxweynaha Masar oo sheegay in nabad-gelyada bariga dhexe ay ku xirantahay helitaanka dowladda Falastiini ah
Sheeko:Wararka Caalamka

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in nabad ka dhalata bariga dhexe aan la gaari doonin ilaa laga dhiso dowlad madax banaan oo Falastiin ah oo lagu sameeyo xuduudihii 1967-kii.
Waxa uu intaa ku daray in sii socoshada dagaalka iyo qabsashada dhul cusubi aysan dhalin doonin nabad, balse ay sii hurineyso nacaybka iyo colaadda.
Mareykanka ayaa wada qorshe lagu caadiyaynayo xariirka Israa’iil iyo dowladaha Carabta, balse dhammadka xiisaddda gobolka ayaa ku xiran xallinta qadiyadda Falastiin sida ay inta badan dalalka gobolka iyo kuwa dunida qaarkooda qabaan.